U bood dhigaalka

Madasha FOCAC Oo Ka Furmaya Beijing

Sheeko:Dalka

Waxaa Magaalada Beijing ka furmaya Madasha Shiinaha iyo Afrika kaasi oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka dhaqaalaha ee Afrika iyo Shiinaha.

Madasha Shiinaha iyo Afrika Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay “ Shiinaha iyo Afrika oo u socda dhanka bulsho adag lahna Mustaqbal Wadaag iyada oo loo marayo Faa’ido ka timaada labada dhinac”, Madasha ayaa waxaa ay socon doontaa ilaa afarta bishan.

Madasha Shiinaha iyo Afrika waxaa ka qeyb-galaya 52 hoggaamiyayaal ah kuwaasi oo ka socda qaaradda Afrika, Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres, ergeyga Midowga Afrika Moussa Faki iyo 27 hay’adood oo Caalami iyo Afrikan ah.

Shirkan Saddexdii sano waxaa la qabtaa halmar, si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Shiinaha iyo dowladaha Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha.

Ujeedada shirkan ayaa waxaa uu yahay in la xoojiyo is fahanka, ballaarinta heshiisyada iyo xoojinta saaxiibtinimada ka dhaxeysa Shiinaha iyo dowladaha Afrika.

Madashan ayaa waxaa la aas-aasay 10, October, 2000 waxaana lagu aas-aasay soo jeedin ka timid Madaxweynihii hore ee Shiinaha Jiāng Zémín.

Wareeggii 2-aad ee Madashan waxaa lagu qabtay Magaalada Adis Ababa 15, 16 December, 2003, wareegga 3-aad ayaa waxaa lagu qabtay  Beijing 3,5 November 2006, wareegga 4-aad waxaa isna martigalisay Sharm El Sheikh 8,9 November 2009,halka wareegga 6-aad lagu qabtay Johannesburg ee dalka Koofur Afrika 4,5 December 2015.

Goobjoog News