U bood dhigaalka

Madasha Koobaad Ee Ganacsatada Soomaalida iyo Masar Oo Muqdisho Ka Furantay(Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Cabdrashiid Maxamed Axmed  ayaa maanta Muqdisho ka furay kulanka 1aad ee madasha ganacsatada Soomaaliya iyo Masar kaas oo muddo 4 maalmood ah ka socon doona caasimadda.

Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen wasiiro, safiiro iyo madaxda rugaha ganacsiga labada dalka ayaa looga hadlay iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dal.

Madasha waxaa ka soo qeybgalay  wasiirka ganacsiga Soomaaliya, rugta ganacsiga Soomaaliya, Beco iyo shirkado badan oo Muqdisho iyo Puntland ka socday, waxaa kaloo joogay safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Waliid, Qunsulka Masar ee Soomaaliya Tamir, rugta ganacsiga Masar  iyo Ganacsato Masaari ah.

Kulanka ayaa imaanaya kadib markii ay Soomaaliya soo gaareen  wafdi ka socda wasaarado Masar sida Wasaaradaha Ganacsiga, Biyaha, Warshadaha, Korontada, rugta ganacsiga  iyo ganacsatada shirkadaha ugu waaweyn dalka Masar.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Cabdrashiid Maxamed Axmed oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in Masar ay u ogolaatay  ganacsatada Soomaalida ay ka ganacsadaan dalkaas oo ay ka shaqeystaan oo maalgeshi sameystaan, isagoo intaa raaciyay in dowladda Masar ay balan-qaaday ay dhalasho siin doonto qofkii 5 sano maalgashi ah dalkaas ku sameysta.

Ganacsatada Soomaaliyeed  waxaa u hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamud Cabdi Cali(Gabeyre), Maxamud ayaa aad u soo dhaweeyay ganacsatada Masar, isagoo sheegay in  ganacasi xoolaha u badan uu ku tiirsanaa Masar wixii burburka ka horeeyay, waxaa uu soo jeediyay in ganacsiga hadda jira sida daqiiqda, dawada, hilibka iyo waxyaabaha kale kor loo qaado.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Safiirka Masar Waliid Ismaaciil, ninkan waxaa uu sheegay in markii uu Muqdisho imaanayey aaney jirin xiriir dhab oo labada dhinac oo xaaladda aheyd mid qabow, laakin labo sano kadib ay hadda labada dhinac galayaan xiriir ganacsi oo dhab, isagoo soo qaatay in ay dalka Masar ay joogaan 90 Milyan oo adeeg iyo baahi badan qaba taas oo soo jiidaneysa ganacsade kasta.

Waxaa isna hadlay qunsulka Masar ee Soomaaliya Tamir, Qunsulka waxaa uu ku dheeraaday xiriirka labada dal oo sida uu sheegay jiray ilaa faraacinada oo dhulkan Soomaalida la dhihi jiray” Bilaat Bunt”, waxaa kaloo uu sheegay in hadda ay jiraan in ay dhoofiyaan Hilibka, isla markaana ay bilaabayaan goordhaw ganacsi kale oo muhiim sida sisinta iyo khudaarta.

Cabiir Khalaf oo madax ka ah waaxda Soomaaliya ee wasaaradda ganacsiga ayaa dhankeeda sheegtay in aad ugu faraxsan tahay booqashadan oo ah tii ugu horeysay oo dalkan ay ku timaado, gabdhan ayaa sheegtay in sanadkii 2015-ka ay xiriirka ganacsi ee labada dal uu gaaray ilaa  55 Milyan Dollar halkan 2014-ka uu ahaa 44 Milyan oo Dollar.

Dhanka Masar waxaa ka socday wasaarado sida biyaha iyo ganacsiga iyo warshadaha iyo shirkadda Muqaawiluun Al-Carab oo shaqadeeda tahay dhismaha, ku xigeenka rugta ganacsiga, ku xigeenka midowga maalgeliyeennada Masar.

Ganacsade Masaari oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay wasaaradda Ganacsiga ee Masar ay ku amartay in ay ganacsatada Masaarida ay suuq ka raadiyaan dalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaalida.

Kulankan oo socon doona ilaa 19-ka bishan , waxaa lagu wadaa in ay shirkadaha labada dhinac is arkaan, kulan labo dhinac ah yeeshaan ganacsatada, waxaana ugu dambeyntii madasha furay wasiirka ganacsiga ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa uu imanayaa bilo kadib markii wasiirka ganacsiga dalka uu safar ku tagay dalka Masar bishii April ee sanadkan iyadoo halkaas lagu soo kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin warshadaha.

Safarka ayaa daba socday kadib markii  January sanadkan ay dalka yimaadeen wafti Masaari ah oo ay ka mid ahayeen Dr Muxsin Maxjuub oo ah xoghayaha sanduuqa Dhaqaalaha ee Maalqabeenada Dowladda Masar,Madaxa isu taga Hantiilayaasha Masar, u qeybsamaha Shirkadda EgyptSom ee Masar Maxamuud Khandile, iyo Cabaas Juni oo isna ka socday mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee Masar.

14010057_1740785446186568_109061194_n 14010057_1740785446186568_109061194_n

adadamsay

dfght