U bood dhigaalka

Madasha Midnimada Iyo Dimoqraadiyadda Oo Soo Dhaweysay Guddiyadii Dhawaan La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyada (MMD) waxey guud ahaan soo dhaweyneysaa magacaabidda guddiyada madaxa-banaan sida Golaha Adeega Garsoorka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Gudiga Qaranka ee Madaxa-banaan ee Doorashooyinka. Guddiyadaas sida waafaqsan Dastuurka KMG waxaa iney ka madax banaanyihiin xukuumada iyo xakameyn siyaasadeed, waana iney karti iyo hufnaan leeyihiin. In la hubiyo madax-banaanida iyo awoodda guddiyadaas waxey lama huraan u yihiin cidda wax dooraneysa, xisbiyada tartamaya iyo bulshada rayidka ah.

MMD waxey si joogta ah ula socotay qaabka xulitaanka guddiyadaas, waxeyna ku qanacday markii ay ka baaraandegtay in qaabka lagu soo xulay uusan buuxineyn shuruudihii la rabay. Sida la ogyahay, ma jirin shuruudo dadka loo sheegay oo lagu heshiiyay oo hal-beeeg u noqon kara xulitaanka. Tan kale, xisbiyada, bulshada rayidka ah iyo Dawlad-Goboleedyada waxey aheed iney ka qaybgalaan si loo hubiyo hufnaanta and kalsoonida lagu qabi karo Guddiyadaas. Madashu waxey rumeysantahy in dano siyaasadeed hal-beeg looga dhigay xulitaanka Guddiyada Qaranka oo aan karti, hufnaan iyo madax-banaani lagu eegin xulitaanka. Qaabka xulitaanka noocaas ah wuxuu carqalad ku noqonayaa dimoqaraadiyeenta Dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah 2016.

Sidaas darteed, Madashu waxey ugu baaqeysaa Baarlamaanka Federaalka ah inuu soo farageliyo arinkaan, adeegsadana awoodiisa hubinta, kor-meeridda iyo sixitaanka qaabka loo xulay Guddiyada Qaranka. Baarlamaanku waa inuu qaadaa tilaabooyinka ku haboon, kana qaybgeliyaa xulitaanka dhamaan xoogaga siyaasadeed oo ay khuseyso sida xisbiyada, bulshada rayidka iyo Dawlado-Goboleedyada. Madashu waxey la qaybsaneynaa welwelka ay qabaan dhamaan inta arrintani khuseyso, waxey ku baaqeysaa in si degdeg ah loo saxo qaabka xulitaanka Guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka, lana hubiyo hufnaantooda, awoodooda iyo madax-banaanidooda.

Dhamaad