U bood dhigaalka

Madasha Midnimada Iyo Dimuqraadiyadda “Waan Ka Xanuunsaneynaa Mushaar La’aanta Haysa Ciidanka Iyo Shaqaalaha Dowladda”

Sheeko:Dalka

Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda ayaa sheegtay in aay aad uga xuntahay mushaar la’aan ay tilmaameen in xilligaan ay hayso ciidamada iyo shaqaalaha dowladda Federaalka.

Kulan ay xubnaha madasha ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed qodobo dhowr ah ka kooban.

WAR-MURTIYEED

Arbaco 17 June, 2015, Muqdisho, Somalia – Shir balaaran oo ay ka qaybgaleen Siyaasiinta, Xildhibaanada Golaha Badbaado Qaran iyo Axsaabta ku bahoobay Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda waxaa lagu lafa-guray arrimo ahmiyad weyn u leh geeddi socodka dib-u-dhisidda Qaranka, Waxaana ka mid ah Arrimahaas:

Xog isweydaarsi iyo dood dheer kaddib Shirka waxaa ka soo baxay hadal murtiyeedkan:

(1) Geeddi Socodka 2016

• Madashu Waxay adkaynaysaa aragtida ah: xalka kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo iyo xasilooni dhab in ay tahay doorsho muwaadhinku doorto Wakiiladooda iyo Madaxdooda. Waa suurto gal in doorasho dhacdo ayadoo la adeegsanayo hanaanka doorashada ku dhisan nidaam xisbiyeed ama “Proportional Representation”

• Waxay si buuxda uga soo horjeedaa wax kasta oo aan ahayn doorasho, waxaanay diidan tahay mudo kororsi iyo in awoodda shacabka la siiyo kooxo iyo shakhsiyaad soo xula wakiilo aan dadka matalin.

• Waxaan ugu baaqaynaa beesha Caalamka iney dhagaystaan baaqa iyo rabitaanka shacabka gacanna ka geystaan doorasho laga qabto Dalka.

(2) Mushaar laáanta Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda

• Madashu Iyadoo ka xanuunsan xaaladda nolosha ee ciidamada iyo shaqaalaha oo aan mushaar qaadan muddo dheer Waana wax laga xumaado in dakhligii lagu bixin lahaa mushaarooyinka loo isticmaalay hawlo aan mudnayn.

• Waxaan taageeraysaa soona dhaweynaysaa go’aanka xafiiska Hantidhowrka Guud ee in la xakameeyo kharajyada kale oo mudnaanta la siiyo mushaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha.

(3) Boobka iyo Ku Takrifalka Hantida Qaranka

• Iyadoo soo ifbaxday boob ballaaran oo hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka iyo goobihii adeegyada bulshada.

• Madasha iyadoo la kaashanaysa shacabka Soomaalieed waxay dabagal ku samayn doontaa arrimaha la xiriira boobka lagu hayo hantida Qaranka.

(4) Hawlqabadka Golaha Shacabka

• Madashu waxay ka walaacsanatahay hawlqabadka golaha shacabka oo ay muuqato in dano gaar ah awgeed laga weecinayo hawlaha muhiimka oo ay qaban lahaayeen.

• Xubnaha Golaha Shacabka waxaan ku bogaadinaynaa dadaalka ya hayaan waxaan ugu baaqaynaa inay xoogga saaraan dardargelinta hiigsiga sidii doorasho loo qaban lahaa 2016.

(5) Gunaanad

• Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan inay soo ceshedaan xaqooda doorshada. Waxaan bogaadinaynaa xubnaha sharafta leh iyo taageeryasha Madasha Midnimada iyo Diimoqaraadiyadda dadaalka ay u galeen midaynta iyo diimoqraadiyeenta dalkeena.

Goobjoog News