U bood dhigaalka

Madasha Wadatashiga Doorashooyinka Heer Qaran oo Looga Hadli Doono Afar Nooc oo Doorasho Midkood in La Qaato”Wareysi gaar ah

Sheeko:Dalka

Shirka madasha wadatashiga doorashooyinka heer qaran ayaa la filayaa in Isniinta uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka

Yaxye Cali Ibraahim oo ah xogheyaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  iyo  Federaalka ayaa wareysi gaar ah oo arinkaas ku saabsan siiyay Goobjoog News, kana warbixiyay shirka iyo ujeedadiisa.

Xogheyaha ayaa sheegay in shirka isniinta uu yahay Daah-fur, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan madaxda qaranka, iyo maamul gobaleedyada.

“Madashaan berrito waxa looga hadlaya waxay tahay, waa in si wadajir ah loo qabtaa furitaanka in laga howlgali doono qaab farsamo ahaan, latashiyo laga sameyn doono maamul gobaleedyada oo dhan iyo caasimaddaba, waxaan aad u rajeyneynaa in farsamadaasi lagu soo sheegi doono qaabka laftigeeda wax u dhici doonaan, lana qeexayo sida talada loo gelinayo iyo wada dadka talada laga gelinayo”

Xoghayaha ayaan wax ka weydiinnay sida ay suurta gal ku noqon karto in shirkaasi ay ka qeybgalaan gobalada aan weli maamulka loo sameyn sida Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo waxa laga yeelayo arrimaha Somaliland.

“Wakiillo ayaa uga qeybgalaya, dabcan waxay ka mid yihiin madasha gobalada aad sheegtay ee aan weli lasoo dhameytirin, xubno ayeey ku leeyihiin, gudoomiyaasha gobaladaasi Banaadir, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, Somaliland dabcan waa runtaa hadda taasi waxaa laga hadlay in loo sameeyo maqaam gooni ah, iyagana dad baa matali doona, waxa laga hadlaya waxay tahay masiirkii doorasho ee dadka Soomaaliyeed la rabo in ay wax ka dhahaan sida ay u rabaan in ay xubnahooda ku matali lahaa baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ay iyagu usoo xushaan, marka dadka waxaa la weydiin doonaa su’aallo badan, waxayna u dhici doontaa derejooyin kala duwan, waana waxa ugu weyn ee hadda hadal haynta Soomaaliya ku saabsan tahay”

Yaxye waxaa uu sheegay in shaqada ay qaban doonaan oo kaliya 11 qof, dadkaas oo shaqada fulin doona, wada tashiyada dalka oo dhan ka dhici doona wixii kasoo baxana ay Madasha Ansixin doonto.

Xoghayaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu soo qaatay Afar nooc oo hadda doodad doorashada taagan lana rabo in mid la qaatto, Afarytaas waxaa ku sheegay:

  1. “Ma Baarlamaanka Degmo ayaan ka  soo dooranaa? Taas oo asal u ah in Maamullada degmooyinka ay sameysan yihiin”
  2.  “Mayee,  heer Dowlad goboleed ayaa lagu soo dhisayaa iyadana waa system kale?”
  3. “Mayee, Ma qabiilkii ayaa loo noqonaa 4.5 iyadana waa mid kale”
  4. “Mayee, waxaa la isku darayaa Qabiilkii, degmadii, gobolkii iyo Asxaabtii?”