U bood dhigaalka

Madasha Wadatashiga Iyo Dimuqraadiyadda Oo Ku Baaqday In Lasii Daayo Wariyeyaal u Xiran Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madasha midnimada iyo dimuqraadiyadda ayaa cambaareysay xarigga loo geystay Agaasimahii Bariga Afriga ee TV-ga Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo isna TV-gaasi ka tirsan.

War-saxaafadeed ay madashu soo saartay ayaa looga dalbaday dowladda Federaalka ah in si shuruud la’aan ah ay dib xurriyadooda u siiyaan wariyeyaashan.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadu ( MMD) waxay cambaareyneysaa xariga sharci-darada ah ee labada wariye ee TVga Universal; wariye Cawil Dahir Salad iyo agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika Cabdulahi Xirsi Kulmiye, waxayna ku baaqeysaa in si degdeg ah loo sii daayo.

Subaxnimadii Jimcaha , Oktoobar 2, 2015, Universal TV ayaa albaabada loo laabay, labada wariyana waa la xiray ka dib markii ay daadihiyeen barnaamijka caanka ah ee “Dood-wadaag” oo looga doodo arimaha mudnaanta leh oo taabanaya qaranimada Somaaliya. Doodaas waxaa ka qaybgalay labo xildhibaan oo caan ah oo lagu magacaabo Xil. Maxamad Cabdi Yusuf iyo Xil. Cabdi Xaashi Cabdullahi. Dood-wadaagaas waxaa looga hadlay xaaladda dalka marayo iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka midtahay arinka Mooshinka laga soo gudbiyay madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud.

MMD waxay rumeysantahay in xariga wariyayaashu ay tahay mid ku lug leh aargudasho siyaasadeed maadaama ay dhacday saacado ka dib markii la siidaayay barnaamijka “Dood-Wadaag”. Waxaa intaas waxaa dheer, ciidamada amniga ee xiray wariyeyaasha wax eedeyn ah sooma bandhigin. Sidaas darteed, MMD waxay rumeysantahay in sharci-darida lagu xiray wariye-yaasha ay ka markhaati ka tahay sida xukuumadu uwiiqayso xornimada hadalka iyo madax-bananida warbaahinta. Sidoo kale, arinkaasu wuxuu na tusayaa sida madaxda qaranku ay umeermeerineyso in la hore loo dhigo hanaanka dimoqaraadiyeenta dalka. Waxaa kale oo MMD ka welwelsantahay xornimada iyo nabadgelyada mucaaradka iyo xildhibaanada ra’yigooda siyaasadeed banaanka soo dhiga.

MMD waxay ku boorineysaa xukuumada Federaalka ah inay joojiso xadgudubyada Xuquuqda Aadamiga ay saxdo cadaalad darida jirta, waxayna ugu baaqaysaa inay si degdeg usii dayso laba wariye isla markaasna ogolaato in Unversal TV xafiiskiisa Muqdisho uu dib u bilaabo hawshiisii caadiga ahayd.

Dhamaad