U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada oo Sheegtay Iney Dhiseyso Xukuumad Haddii Farmaajo Ku Tagi Waayo Muddo Xileedkiisa

Sheeko:Amniga

Madashada xisbiyada qaran ayaa talaadadii si adag uga hadashay waxa ay ku sheegeen sharci daradda iyo dastuur ku tumashada uu wado madaxweynaha Soomalaiya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo sheegay in haddii uu muddadiisa ku tagi waayo ay dhisi doonaan xukuumad kale.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada oo hadlayey ayaa yiri “Xaalka uu ku socdo waddanka, oo madaxweyne Farmaajo sida madaxweyne Xasan sheegay malaintii uu yimid ilaa youminaa haadaa inuu dastuurka iska xooray, oo dastuur waxba ka rabin, sharcigana waxba ka rabin, wuxuu shaqo ku leeyahana aysan jirin, haddii marka uu sidaa yeelo, umadda kale haddii ay ku deysato, oo sharciga iska xoorto, oo nin walba jidka soo istaago, ha ogaado eedeeda inuu isaga qaadanayo, burbur kasta oo Soomaaliya ku yimaada inuu isaga qaadanayo”.

Dhanka kale, waxaa uu Xildhibaan Cosoble sheegay in sharci kasta oo la meelmariyey wixii ka dambeeyey 25-kii July oo sharci darro yahay, …….Madaxweyne Farmaajo waxaan rabna ainuu sharciga ilaasho, haddii sharciga sida ugu tumanaayo usii socotana, ha ogaado Soomaalida maalinta xukunkiisa ugu egyahay wixii ka dambeeya in aan madaxweyne u aheyn, sharcina aheyn, 15 Oktobar ayaa ugu horeysay xildhibaan la soo doorto, xataa haddii aan aragno in waqtigaas diyaarineynin waxaan bilaabeynaa process oo Parallel ah oo Soomaaliya dowlad loogu dhisi doono”.

Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo maalinta uu yimid ilaa maanta maalin uu dastuur ku dhaqmay ma jirto, guddoomiye Jawaari ridistiisa ka soo bilow, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku geey, rididdii u dambeysay ee ra’isul wasaaraha geey, judiciary  waxa ka dhex jira waxa ka dhex jiro oo garsoorada inta la eryo kuwoo cusub la keenayo ka dhig, dhinac walba madaxweynuhu waa barbar marsan yahay dastuurka”.

Goobjoog News