U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaran Oo Taageertay Go’aamadii Ka Soo Baxay shirkii Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ay soo saareen madasha xisbiyada qaran ayaa waxa ay ku taageereen goamaadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Madashu waxa ay tilmaamtay in loo baahnyahay qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb oo ay ugu muhiimsanayd in doorashada dalka ay waqtigeeda ku dhacayso in laga dhabeeyo si dalka uusan firaaqo dastuuri ah u galin.

Dhanka kale madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay inay marwalba u taagnaayeen islamarkaana ay dhiiragalinayaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo ay kawada tashadaan saamileyda siyaasadeed iyo madaxda dalka.

Halkan Ka Daawo Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran

Goobjoog News