Madasha Xisbiyada Qaran oo Weerartay Itoobiya Una Digtay AMISOM

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka oo ay ku mideysan yihiin kuwa ugu weyn dhanka siyaasadda dhowr ayaa maanta waxaa ay soo saareen baaq ay u dirayaan Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy  Ahmed iyaga oo ugu baaqan in loo baahan yahay in dowladdiisa ay joojiso faragelinta ay ku hayso gudaha Soomaaliya.

Madasha waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ay dhowaan Gedo ku xireen saraakiil la magaacay ee Baladxaawo iyo Doolow, waxaa kale oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland laga hor istaagay inuu booqdo deegaan doorashadiisa iyo arrimo kale oo ay Adis Ababa ku lug leedahay.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in  muhiim tahay in dowladda Itoobiya ciidamadooda faraha kala baxaan waxa ka socda Galmudug oo aaney u faragelin sidii Koonfur galbeed ka dhacday sanadkii hore.

Sidoo kale Madasha ayaa walaac ka muujisay doowarashada dhowaan lagu wado  in ay ka dhacdo deegaannada Galmudud, waxaana ay xuseen  in dowladda federaalka ah ay faragelin toos ah iyo mid dadbanba ay ku hayso doorashada.

Ugu dambeyntii waxaa ay madasha uga digtay AMISOM iney isticmaasho wax aan ku jirin heshiiska, kana baxsan awoodaheeda.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

  1. Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka oo ay ku mideysan yihiin kuwa ugu weyn dhanka siyaasadda dhowr ayaa maanta waxaa ay soo saareen baaq ay u dirayaan Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyaga oo ugu baaqan in loo baahan yahay in dowladdiisa ay joojiso faragelinta ay ku hayso gudaha Soomaaliya: super mario bros.

  2. Buy Amoxicillin 500mg Uk Amoxicillin Dogs Lyme Levitra Im Internet Bestellen [url=http://cialibuy.com]order cialis online[/url] Treating Bronchitis With Amoxicillin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW