U bood dhigaalka

Madaweyne Farmaajo Oo Mareykanka Ka Codsaday Xoojinta Taageeradooda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo danjiraha dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa kulan ay ku yeesheen Jimcihii magaalada Muqdisho, waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada dal.

Kulanka intuu uu socday ayaa lagu soo hadal qaadey taageerada dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, sidiii loo xoojin lahaa taageeradaasi iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Labada dal.

Waxyaabaha diiradda la saaray waxaa kamid ah arrimaha ku aadan taageerada Maraykanka ee dhinacyada ammaanka, mushaarka ciidamada iyo gurmadka abaaraha.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo dowladda Maraykanka uga mahadceliyey taageerada ay xilli walbo la garab taagan yihiin Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday in lasii xoojiyo taageeradaasi.

Stephen Schwartz ayaa isna u hambalyeeye madaxweyne Farmaajo oo ku guuleystay doorasho 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladdii mar walbo diyaar u tahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News