U bood dhigaalka

Madax Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu Eedaynayo iney Caqabad ku yihiin Doorashada Aqalka Sare ee BFS

Sheeko:Dalka

 Boqor Maxamed Jaamac oo ka tirsan madax dhaqameedka gobollada ayaa ku eedeeyay madax ka tirsan DFSoomaaliya iney caqabad ku yihiin habsami u socodka doorashooyinka aqalka sare ee BFS.

Boqorka oo kamid ah odayaasha 135-ta ah oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ku eedeyn usoo jeediyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo R’isul wasaare xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo uu yiri waxay marin habaabin ku wadaan doorashada aqalka sare ee xubnaha Somaliland.

“Goobjoog waxaan ula soo xiriiray adigoo mahadsan arrimo jira oo ah xagga doorashada aqalka sare iyo aqalka hoose naftiisa ka jirta, dhibta ugu weyn waxay ka jirtaa aqalka sare, gobollada waqooyi waxaa 11-xubnood ayaa la siiyay muran muddo dheer socday iyo cabashooyin jiray awgeed ayaan 11 iskaga qaadannay si xal ah, annagoo ilaalineyna duruufaha maanta ka jira Soomaaliya iyo xaaladda Soomaaliya marayso, 11 kii kursi 2-bilood ee ugu dambeeyay guddigii sare ee heer maamul goboleed oo liiskii Somaliland ay ku wareejiyeen, lixdii xubnood ee ugu horreyna la doortay, ayaa marwalba waxaa culeys ku haya xubno sheeganaya siyaasiyiin, kuwaas oo guddiyada la hadlaya, taasina waxay caqabad ku noqotay in doorashada sidii loo baahnaa u qabsoomi weydo, iyadoo ergadii iyo baarlmaankii la dooran lahaa ay diyaar yihiin 5 cisho ay meel wadajoogaan, sababtan waa guddiyadii farsamada ee doorashada fududyn lahaa oo aan la hayn “, ayuu yiri Boqor Maxamed.

Boqor Maxamed waxa uu farta ku fiiqay siyaasiyiinta caqabadda ku ah doorashada:

“Wasiirkii hore ee warfaafinta Maareeye ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ka mid ah Ra’isul wasaare ku xigeenkii hore Maxamed Cumar Carte, waxaaney adeegsanayaan xubno ka mid ah guddiga(Hannaanka doorasho) oo arrintan fududeynteeda iyo farsamadeeda lahaa” .

Doorashada aqalka sare ee xubnaha Somaliland ayaa Axaddii lasoo dhaafay la doortay 6 xubnood oo ka mid noqonaya aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo illaa haddana waa wakhti loo qaban dhameystirka xubnaha 5-ta ah ee ka harsan aqalka sare.

Goobjoog News