U bood dhigaalka

Madaxa Hey’adda Caafimaadka Adduunka oo Sheegay Iney Gargaar u Dirayaan Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxa hey’adda Qaramada Miodobay u qaabilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan, kadib qaraxii shalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad rayid u badan.

Madaxa ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo la xasuusto in dad 200 ku dhow ay ku geeriyoodeen, halka uu dhaawac kasoo gaaray 300 oo ruux oo kale, kuwaas oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jiray.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay Tedros Adhanom, in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay, waxaana uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dalbaday in lala soo gaaro gargaar caafimaad.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen, qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawac iyo dhimasho kasoo gaartay tiro wariyaal ah iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka Booliiska oo la kulmay qaraxa labaad xilli gurmad lagu jiray.

Goobjoog News