U bood dhigaalka

Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xammaas Oo Liiska Argigixisada Lagu Daray

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Khasaanadda ee Mareykanka ayaa ku dartay madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas  Ismail Haniyeh liiskeeda argigixisada.

War-murtiyeed ay wasaaraddu ku baahisay bogga ay ku leedahay internetka ayey ku tiri “Haniyeh waxa uu xariir la leeyahay Kataa’ib Cizu Diin AL-qasaam,waana hogaamiyaha garabka millatariga ee Xamaas”.

Liiska argigixisada sidoo kale waxaa lagu daray ururka AL-Saabiriyah,ururka Liwaau’ Sowrah ee ka dhisan Falastiin iyo ururka Xasmi ee iska ka dhisan dalka Masar.

Xaasim Qaasim oo ah afhayeenka Xamaas ayaa sheegay in warka ka soo baxay wasaaradda Keydka ee Mareykanka uu yahay mid u janjeera dhanka Maamulka Israel,iyo isku day fashilmay oo lagu doonayey in lagu qabsado Falastiiniyiinta.

Hadalka wasaaradda Mareykana ayaa waxa uu daba socdaa,wareegtadii ka soo baxday xafiiska Donald Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay maalo madaxda Israel.

Qudus ayaa hadda waxa ay ku jirtaa loolan u dhaxeeya Israel iyo Falastiin