U bood dhigaalka

Madaxbannaani Noocee ah ayey Kala Heystaan Guddiyada Dastuuriga ah iyo Hey’adaha Ku Dhisan Sharci Wasaaradeed?

Sheeko:Amniga

Sanadihii dambe, oo ay dhismo ku socotay hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah, waxaa muran xooggan ka jiraa farqiga u dhaxeeya ama madaxbannaanida ay kala heystaan guddiyada ku jira dastuurka iyo hey’adaha lagu dhiso sharci ka yimid wasaarad, oo labaduba lagu sheegayo in shaqadooda u madaxbannaan yihiin.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu muran soo kala dhexgalay wasaaradda iyo hey’adda Batroolka, waxaana horay isugu dheganaa saxafiyiinta iyo wasaaradda warfaafinta oo dooneysa inu gacanta ku dhigto hey’adooda.

Keliya hey’adaha ma aha waxa dacwada qaba, ee marar qaar waxaa dhacda in guddi madaxbannaan oo dastuuri ah sida midka doorashooyinka ay faraha lasoo gasho wasaaradda arrimaha gudaha, taasi ay keento isku dhac, mana jirto guddi dastuuri oo dhismay oo ay wasaaradahu aaney faragelin.

Haddaba, maxay kala yihiin labada madaxbannaani ama shaqo ee guddiyada dastuuriga iyo hey’adahan waxaa su’aalahaas Goobjoog News hordhignay wasiirkii hore ee Batroolka  Maxamed Mukhtaar iyo Abuukaate Daahir Carab.

Wasiir Mukhtaar oo hadda ah madaxa machadka SIPAM ayaa waxaa uu qabaa in ay mid weliba caddahay shaqadeeda laakin uu jiro cid iska indho tireyso isaga oo yiri’ Midka guddiyada dastuurka ayaa dalbaday, oo baarlamaanka ayey martaa, laakin hey’adahan sharci ayaa dalbaday, oo wasaaradda ayey soo maraan’.

Mukhtaar Ibraahim oo sii hadlaya ayaa yiri’ Arrinta hey’adaha, tusaale ahaan wasaaradda Batroolka iyo hey’adda Batroolka, sharciga ayaa lagu caddeeyey wax walbo oo ay kala leeyihiin iyo in wasaaraddu leedahay siyaasadaha kore halka hey’addu leedahay shaqada iyo farsamada, laakin waxaa uu dhib imaaday marka wasiirku doonay inuu isku qaato labadii shaqo’.

Dhanka kale, Abuukaate Daahir Carab ayaa waxaa uu qabaa in guddiyada madaxabannaan ay dastuurka ku xusan yihiin, isla markaana uu la xisaabtamo baarlamaanka halka hey’adaha ku sameysma sharci wasaarad ay isla wasaaraddu leedahay isla xisaabtanka sida shaqo siinta ama ceyrinta isaga oo soo jeediyey in haddii la doonayo madaxbannaani ay tahay in dastuurka dib u eegista ku jira lagu daro in hey’adahaas ay ka madaxbanaanaadaan wasaaradaha haddii kale uu sii soconayo murankan.

Abuukaate Daahir Cara boo arrinkan uga warramay Goobjoog News ayaa yiri’ Madaxbannaanida la sheegayo in hey’adaha heystaan waa mid qabyo ah, oo ah iney shaqadooda u madaxbannaan yihiin, laakin sharciga lagu dhisay ayaa sheegaya inuu wasiirka la xisaabtamayo halka guddiyada uu baarlamaanka la xisaabtamo’.

Ugu dambeyntii, Abuukaate Daahir waxaa uu soo jeediyey’ Haddii ay jirto dad raadinaya madaxbannaani dhameystiran, waa in hadda dastuurka dib u eegista ku socoto lagu daraa in hey’ahaasi ka madaxbannaanaadaan wasaaraadaha’.

Goobjoog News