U bood dhigaalka

Shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo Ka Furmaya Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa ku sii qurlqulaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, si ay uga qeybgalaan shir madaxeedka 28 -aad ee qaaradda oo maalinimada barri ah ka furmaya dalkaas.

Madaxda illaa hadda gaartay Addis waxaa ka mid ah, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Zambia Edgar Lungu, madaxweynaha Mali Abubakar Keita, madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, madaxweynaha Senegal Macky Sall, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, madaxweyne ku-xigeenka Cote d’lvoire Daniel Kaplan, Ra’iisul Wasaaraha Swaziland Barnabas Sibusiso Dlamini.

Waxaa kale oo shirka ka qeybgalaya markii ugu horreysay muddo dheer kadib boqorka Morocco ee boqor Maxamedka Lixaad oo dadaal ugu jira sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa dalkiisa midawoga Afrika.

Sida aan ka soo xigeynayo wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia oo la hadashay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa  shirkan ka soo qeybgalaya madaxweynayaasha 37 dowladood ah, 3 madaxweyne ku-xigeen, 49 wasiir arrimo dibadeed, iyo in ka badan 4 kun oo qof oo iskugu jira ganacsato, korjoogayaal iyo marti sharaf shirka lagu casuumay.

Shirkan oo qabsoomaya maalmaha 30,31, Janaayo, ayaa lagu dooranayaa madaxa cusub ee Midowga Afrika, waxaana lagu falanqeynayaa arrimo kale oo ay ugu muhiimsan tahay codsiga dalka Morocco ee dib ugu soo laabashada Midowga Afrika.

Dalka Morocco ayaa ka baxay midowga Afrika sanadkii 1984, kadib markii loo ogolaaday midowga jabhadda goonni u goosadka ah ee  ka dagaalanta saxaraha Marocco ee la yiraahdo “Polisario”.

Goobjoog News