U bood dhigaalka

Madaxda Amniga Qaranka Oo Ku Sii-jeeda Baydhabo

Sheeko:Dalka

Shirka amniga qaranka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Weriyaha Goobjoog News oo haatan ku sugan madaxtooyada koonfur galbeed ayaa sheegaya in la sugayo mas’uuliyiinta amniga qaranka oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Kheyre, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo madaxda maamul goboleedka sida: Axmed Xaaf, Cabdiweli Gaas, Maxamed Waare iyo Axmed Madoobe.

Shirkan oo qeyb ka ah shirarka amniga qaranka ayaa lagu wadaa in la isku afgarto qaab cad loo maareeyo isku dhafka ciidamada, tababarka iyo jiheynta siyaasadda amniga qaranka.

Shirkan, kala soco, Goobjoog News