U bood dhigaalka

Madaxda DF Iyo Dowlad Gobaleedyada Dalka Oo Markale Muqdisho Isugu Imaanayo

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan dhanka fogaan aragga ah la yeeshay madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Rooble ayaa madaxda dowlad gobaleedyada ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee arimaha doorashooyinka dalka.

Dhanka kale qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble ayaa madaxda dowlad gobaleedyada ugu baaqay in ay kulan isugu yimaadaan magaalada Muqdisho khamiista.

Hoos ka akhriso qoraalka Xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.