U bood dhigaalka

Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka Oo Muqdisho Ku Soo Qul-qulayo

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulaya wafuud ee horkacayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka, kuwaas oo maanta lagu wado in uu shir uga furmo magaalada Muqdisho.

Hadda ayaa waxaa magaalada ku sugan madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Jubbaland iyo koonfur galbeed, xilli saacadaha soo socda la filayo in ay soo gaaraan caasimadda Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo Puntland.

Qoor-qoor, Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo labadi maalin ee la soo dhaafay Muqdisho soo kala gaaray ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ku wada balansan in shir uga furmo xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni halkaas oo ay kaga wada hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka Dalka.

Goobjoog News