U bood dhigaalka

Madaxda dowlad Gobaleedyada Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan Maanta

Sheeko:Amniga

Madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho, oo ay beri kaga qeyb galayaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka .

Dhamaan madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa la filaya in ay soo caga dhigtaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka .

Madaxdan ayaana berri oo khamiis ah waxaa magaalada Muqdisho uga furmayo shirka wadatashiga doorashooyinka dalka oo mudda dhowr bil ah dib u dhacayay .

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilawgii bishaan markii lagu warejiyay hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka waxa uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu baaqay in ay 20 May shir muqdisho isugu yimaadan si loo soo afjaro khilaafaadka doorashada loogana heshiiyo waqtiga doorashooyinka dalka ay dhacayaan .

Xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda rajo wanaagsan ka muujiyay shirka berri uga furmaya Muqdisho madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .

Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay.

GoobJoog News