U bood dhigaalka

Madaxda dowladda oo si isku mid ah u cambaareeyay qaraxii xalay

Sheeko:Dalka

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay xalay fiidkii hore maqaaxi lagu qaxwaynayo oo ku taalla wadada Maka-Al-Mukarama ee Muqdisho.

Hadalka madaxwyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka soo saaray qaraxaasi ayaa lagu xusay  in qaraxaasi ay gaysteen sida uu yiri kooxo aan ka damqan umadda Soomaaliyeed.

Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu tilaamay in Al-Shabaab ay doonayaan qal qal galinta ammaanka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid la doonayay sida uu yiri in lagu daadiyo dhiiga dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyey qaraxan waxa uuna  weerarkan ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan qiil loo samayn karin, kana baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Hay’adaha ammaanka ayuu xusay madaxwyne Xasan in ay wadaan dadaallo ay ku doonayan in ay kaga hor tagaan falalka amman darro.

Goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof.