U bood dhigaalka

Madaxda Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Kulan Hordhac U Ah Ku Yeeshay Madaxtooyda Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Kulamadii Ugu Danbeeyay Madaxda Ku Shirsan Dhuusamareeb

Goobjoog News