U bood dhigaalka

Madaxda Howlgalka ATMIS oo Booqday Dhaawacyada Askarta Weerarkii Boola-mareer

Sheeko:Amniga

Wakiilka gaarka ah ee Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire, Mohamed El-Amine Souef, oo ay weheliyaan Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas (hg) Nathan Mugisha, iyo Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding aya ku booqday isbitaalka heerka labaad ee ATMIS ciidamadii dhowaan ku dhaawacmay weerarkii Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

“Xaaladooda ayaa soo hagaagaysa, niyadooduna aad ayay u wanaagsantahay. Waxaan fursadan uga faa’ideysaneynaa in aan umuujino dareenkeena iyo wadajirkeena, sidoo kalena aan uga tacsiyeyno dowladda iyo shacabka Yuganda askartii ku dhintay weerarkii usbuucii hore,” ayuu yiri Danjire Souef.

Saraakiisha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda soo kabasho ee askarta waxaa siiyay taliyaha Isbitaalka heerka labaad ee ATMIS Gaashaanle Dhexe Dr. Godfrey Ssemakula Ngobyad iyadoo dhaawacii u baahnaa daryeel gaar ah horay loogu qaaday isbitaallo dibadda ah.

Ku-simaha Safiirka Yuganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas (hg) Nathan Mugisha, ayaa xusay in ciidamada Yuganda ay ka go’aantahay in ay fuliyaan waajibaadka hawlgalka ATMIS iyadoo todobaadkii hore la weeraray saldhigooda.

“Waxaan dejinay xaaladda, waxaana socda dib-u-eegidda iyadoo horayna loo sii socon doono sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama wiiqi doonto hadafkeena.

Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageerayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel,” ayuu yiri Sarreeye Gaas (hg) Mugisha.

Goobjoog News