U bood dhigaalka

Madaxda Isboortiga Degmada Beledweyne Oo U Mahadceliyay Taageerayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa hakad la giliyay tartankii kubadda cagta ee ka socday Garoonka Laqanyo Stadium kaasi oo aay qabsoomiddiisa iska kaashanayeen Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne oo kaashanaya kan gobolka Hiiraan,loona qabtay 8-naadi oo heerka koobaad ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi) ayaa lagu war giliyay dhammaan kooxaha tartanka ka qeyb galaya iyo taageerayaasha in maanta wax kulan ah aaysan jirin.

Sababka tartanka loo hakiyay ayaa lagu sheegay in aay tahay in is araga kobaad ee heerka group-yada uu soo dhammaaday,isku aadka is araga wareegyada labaad iyo Seddaxaad ayaa goordhaw la meyndoonaa waxaa tartanka dib loo amba qaadi doono berri oo Talaada ah. 

Sidoo Kale halkan Ka Aqriso Furitaanka Tartanka Kubbadda Cagta Beledweyne

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/tartan-kubbadda-cagta-ah-oo-loo-furay-kooxaha-magaalada-baladweyne/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle