U bood dhigaalka

Madaxda La Filayo Iney Ka Qeybgalaan Caleema Saarka Xaaf

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda dowladd Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa iney maanta ka qeybgalaan munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Mas’uuliyiinta la filayo ayaa kala ah madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda maamullada Jubbaland, K/galbeed, Puntland iyo Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka qeybgeli doona xubno ka socda beesha caalamka oo halkaasi lagu casuumay.

Amaanka guud ee magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo dkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay ku sugan yihiin waddo walbo oo magaaladaasi ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News