U bood dhigaalka

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Isugu Tagaya Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka oo habeenimadii xalay kulan uu ku dhexmaray qadka Taleefanka, ayaa kawada hadlay sidii madaxda ay u yeelan lahaayeen kulan ay uga hadlaan arrimaha masiiriga dalka ee ku aadan doorashooyinka Baarlmaaniga iyo madaxweynaha ee sanadka 2021-ka.

Madaxda ayaa ugu dambeyn waxaa ay soo saareen qoraal kooban oo ku aadan wixii ay kawada hadleen, kaas oo ay la wadaageen warbaahinta, waxaana madaxdu isla garteen in 9 bisha July 2020-ka ay kulan isugu yimaadaan madaxda kaas oo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

                                   Halakaan Ka Akhrisho

 

Image may contain: text

Goobjoog News