U bood dhigaalka

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxda 3-da maamul goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa maanta lagu wadaa iney ku shiraan Baydhabo, iyaga oo markaa kadib u soo duuli doona Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ayaa waxaa maalmihii tagay ku sugnaa madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo Farmaajo ka dalbaday in kulanka ay yimaadan madaxda maamullada ee ka maqan goobta.

Kulanka maamul goboleedyada iyo Farmaajo ee khamiista ka furmi-doona caasimadda Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dooda nooca doorasho ee la isku afgartay Dhuusamareeb 3.

Goobjoog News