Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka Juun iyo guud ahaan xuska todobaadka xorriyadda dalka, iyadoo maalmo qura sidoo kale ay naga xigaan 1-da Luulyo oo ah xornimadii goboladda Koonfureed iyo israacii labada gobol ee lagu dhisay Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga ee Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 26-Juun xuska sannad-guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay xuroobeen Gobollada Waqooyi.