U bood dhigaalka

Madaxda NATO Oo Shir aan Caadi ahayn ka Yeelanaya Ruushka

Sheeko:War

Hogaamiyayaasha wadamada reer galbeedka ayaa Khamiista maanta ku shirsan magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan taageerada lagama maarmaanka ah ee dalka Ukraine ee dagaalka uu Ruushka kula jiro, halka Ururka NATO ay doonayaan inay xoojiyaan joogitaankooda Bariga Yurub.

Iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu galay bishii labaad, waxaa Brussels hal maalin gudaheed lagu qaban doonaa saddex shir oo kala ah shir Madaxeedka NATO, kulanka G-7 iyo is araga Madaxda Midowga Yurub.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu “khalad weyn” sameeyay markii duulaanka uu ku qaaday Ukraine iyo inuu “dhayalsaday” iska caabinta Ciidamada Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu la hadli doono hoggaamiyeyaasha NATO kuwaas oo ka wada hadli doona taageerada lagama maarmaanka ah si ay uga caawiyaan Ukraine inay is-difaacdo, isagoo xusay in Madaxda NATO ay sidoo kale islasoo qaadi doonaan “cusboonaysiinta difaaca muddada dheer ee dhinaca bariga yurub”,

Sida lafilayo waxaa la bilaabi doonaa in la ansixiyo hawlgalada ciidamo hor leh lagu geynayo dalalka Romania, Hungary, Slovakia iyo Bulgaria.

Stoltenberg ayaa tilmaamay in “isticmaalka kasta oo hubka kiimikada ee nuclearka oo ruushku ku isticmaalo Ukrain uu asal ahaanba bedeli karo qaabka iskahorimaadka,” isaga oo raaciyay, in Taasi ay noqon doontaa xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah ay ka dhalan doonto cawaaqib ballaaran oo khatar ah.”

Taa badalkeeda afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee Dmitry Peskov ayaa tilmaamay in putin uu miciin bidi doono isticmaalka hubka nukliyeerka si uu uga jawaabo kolka Qatar soo wajahdo jiritaanka Ruushka.

Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, shirarka Khamiista ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo cunaqabateynta lagu soo rogay Moscow si looga fogaado isku dayga ruushka iyo xulfadiisu ku doonayaan inay ku hareer maraan hayiraadaha, iyo in la xoojiyo joogitaanka mustaqbalka fog ee NATO ku joogayso Bariga Yurub.

“Waxa aan jecelnahay ayaa ah in iskuduubnida wadajirka ah ee aan ka aragnay xulafada bishii ugu dambeysay ay sii socon doonto ayuu Arbacadii yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan.

Biden ayaa fiidnimadii Arbacada soo gaaray caasimadda Belgium, wuxuuna Jimcaha u kicitimi doonaa Poland oo xad la wadaagta Ukrain.

 

GOOBJOOG NEWS