Madaxda Puntland oo Wakiillada Beesha Caalamka Kala Hadlay Coronavirus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowlad goboleedka  Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulanka maanta madaxda ugu sareyso Puntland ay la qaateen wakiillada beesha caalamka ayaa ku soo aadayo iyadoo dalka uu ka jiro kiisas la xiriira xanuunka COVID-19 waxaana jira cabsi ku aadan xanuunka oo bulshada ah.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW