U bood dhigaalka

Madaxda Qaranka oo maanta ku qaabilay Muqdisho wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Denmark

Sheeko:War

drm2Mogadishu, August 12, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xassan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha  mudane Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa maanta si gaar  gaar ah Muqdisho ugu  qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark Mogens Jensen oo  booqasho ku yimid dalka.

Kulamadan oo ay ka qayb galeen wasiirada arrimaha Dibadda,Amniga Qaranka, Arrimaha Gudaha,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Xubno kale ayaa looga wada hadlay horumarinta ,xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha ammaanka , danaha wadaagga ah iyo taageeridda hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamadan markii ay soo idlaadeen  ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Cabdirahman Ducaale Bayle  iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mogens Jensen.

Wasiir Cabdirahman D. Bayle  ayaa sheegay in wafdiga dowladda Denmark ka socda ay ka wada hadleen horumarinta , dib u dhiska dalka , taageeridda hay’adaha dowladda iyo u gogol xaaridda shir lagu qaban doono bisha November magaalada Copenhagen.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka uu ku dhamaaday natiijo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed , isagoo bogaadiyay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Denmark.

Dhankiisa, Wasiir Mogens Jensen  ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu tusaale cad u yahay  taageerada siyaasadeed ee dowladiisu u hayso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu la dhacsan yahay is-bedalada iyo horumarka  dowladda Soomaaliyeed ku talaabsanayso.

Morgens , waxa uu xusay in mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala arinsaday dib u dhiska  iyo horumarinta fursado shaqo oo la abuuro, kaalmada bani’aadanimo iyo qodobo kale , isagoo ku sheegay in kulamada uu la yeeshay madaxda dowladda ay yihiin kuwo miro-dhal ah.

Wafdigan oo ka kooban 8 xubnood  ayaa waxaa gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mahad Mohamed Salat iyo agaasinka habmaamuuska Qaranka .