U bood dhigaalka

Madaxda Sirdoonka Waddamada Bariga Afrika iyo IGAD oo Alshabaab Ka Shiraya

Sheeko:Dalka

Taliyeyaasha laamaha sirdoonka ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedyada Bariga Africa ee EAC iyo IGAD ayaa waxa uu shir heer sare ah oga furmi doonaa magaalada Kampala ee dalka Uganda, shirkaasi oo looga hadlayo halista Alshabaab, sida la sheegey.

Shirkani ayaa waxa uu qabsoomi doonaa sida qorshaha yahay inta u dhaxaysa 14-ka bishan Luuliyo illaa 15-ka isla bishani, waxaana sida la sheegey lagu dajin doonaa qorshayaal looga hortagayo halista la sheegey in ay kasoo fool leedahay Alshababaab oo ah urur hubeysan oo Soomaaliya ka jira.

Go’aanka shirkani ayaa waxa uu ka mid ahaa qaraaro kasoo baxay kulankii golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midoowga Afrika ee 521-aad ee qabsoomay 30kii bishii June, 2015-ka.

Wuxuu noqonayaa kulankii ugu heerka sareeyey ee kulmiya intan oo saraakiil ah, waddamana oga wada shaqeeyaan arrimaha la xiriira kuwan oo kale.

Goobjoog News