Madaxda Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Shiray Arrimo Amniga Ku Saabsan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdi-saciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Related Articles

32 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW