U bood dhigaalka

Madaxda Ugu Sareysa Dalka oo Ka Qeyb Gashay Janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo aheyd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Janaasada Maama Xasno ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Ra’iisulwasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre, Cabdi Faarax Shiikhdoon Saacid, Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo qaar kamid ehelada Madaxwenihii hore ee dalka  Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa salaadda janaasada kadib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

Goobjoog News