U bood dhigaalka

Madaxda Ugu Sareysa Dowladda oo Hambalyo u Diray Madaxaweyne William Ruto

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud  iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya ee la doortay William Samoei Ruto oo maanta ku guuleystay doorashadii ay ka qabsoontay dalkaas, oo guddigu soo gabagabeeyay tirinta codadkii la dhiibtay.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu hambalyo u diray madaxweyne Ruto, isaga oo ballanqaaday in dowladdiisa ay sii xoojin doonto xiriirka labada dal” Hambalyo ayuu diray, waxaa uu balanqaaday inuu kala shaqeyn doono dhiggiisa Ruto adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Twiter-ka.

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhankiisa hambalyo u diray Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo shacabka Kenya ay qaadeen, isaga oo sheegay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee la doortay, William Samoei Ruto oo noqday madaxweynaha 5-aad ee jamhuuriyadda dalka Kenya.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan hambalyo u diro William Ruto, oo loo doortay madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya, gabagabada taariikhiga ah ee geedi socodkaan  ayaa marag u ah hoggaamintaada. Xiriirka dalkeenna kala dhaxeeya waa mid xoogan, waxaan rajaynayaa inaan dhinacyo badan kala shaqeeyo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya, waxaana uu ku guulaystay cadad dhan  50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu musharraxii la tartamayay uu  helay  48.8% codadkii ay dhiibteen shacabka Kenya ee lagu soo doornayay madaxweynah shanta sano ee soo aadan xukumaya.

Goobjoog News