U bood dhigaalka

Madaxtooyada Soomaaliya oo Beenisay Jiritaanka Heshiiska Wabiga Nile

Sheeko:Amniga

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa Cabdikariin Cali Diiriye ayaa ka warbixiyey safarradii madaxweynaha uu ku kala bixiyay wadamada Tanzania iyo Masar, waxaana uu meesha ka saaray in madaxda dalalka Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadleen arrimo ku aadan biyo xireenka Wabiga Nile  oo ay isku hayaan dowlada Itoobiya iyo Masar.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wabiga uu maro wadamo badan oo qaarada ah, laakiin Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay in dhammaan dalalkaas ay kawada faaiideystaan, waxaana uu beeniyay in uu jiro heshiis labada dal ah oo ku aadan Wabiga, kadib sheegashadii madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi oo qiray inuu jiro heshiiska.

“Arrinta biyaha Nile-ka, Biyaha Wabiga Nile-ku waxaa ay maraan waddamo badan oo dhammaantood saaxiib, daris iyo walaalba la ah dalkeenna, sidaa owgeed, mowqifka jamhuuriyadda federalka Soomaaliya waa in dalalkaas si nabad ah,uga wada faaiideystaan biyaha wabiga Nail” ayuu yiri afhayeen madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa Soomaaliya waxaa ay siisaa taageero ku aadan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, waxaana madaxweynaha dalkaas oo si wadajir ah shir ula qabtay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladiisa Soomaaliya kawada hadleen arrimaha wabiga oo ay isku hayaan dalka Itoobiya oo Soomaaliya la daris ah.

Goobjoog News