U bood dhigaalka

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Rajo Ka Muujisay Is Faham Dhex Mara Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Rajo weyn laga qabo in la isku fahmo Hanaanka doorasho ee Dalka oo ay ka shirayaan Xubnaha Madasha wadatashiga doorashada dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Madaxdu ka doodayaan inta uu shirkaasi socdo hanaanka doorasho ee Dalka uu qaadan karo maadaama uu muran ka dhashay habka deegaanka iyo 4.5-ta.

Afhayeenka waxa uu xusay in Madaxda Dowlada  Federaalka iyo Maamul Goboleedyada diyaar ay u yihiin in ka talinta ayaaha dalka.

“Ulajeedka la’isugu yimid ayaa ah in go’aan la gaaro mar walbo oo arrin laga wada hadlayo aragti baa la is dhaafsadaa, ma jirto wax kala fikir duwanaansho ah oo aad u fog, waxa kaliya ee jira waa in dadku aragtida is dhaafsadaan, howshaan ma ahan mid hadda billaabatay waa mid muddo Seddax bil ah soo socotay, waxaan u sheegi lahaa shacabka in dhawaan ay fishaan in go’aan lagu farxo uu kasoo bixi doono shirkaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Xubnaha madasha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in kulanka ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho kasoo saaraan go’aanno kama dambeysa ah oo ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Goobjoog News