U bood dhigaalka

Madaxwaymaha Dowlada Federaalka oo ku baaqay in laga qayb qaato dib u hawlgalinta isbitaalka Digfeer ee Muqdisho (DHAGEYSO)

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”62″]

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku tagay Isbitaaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in laga qayb qaato hormarinta isbitaalka oo dayactir uu ka socday.

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in isbitaalkan uu yahay mid ahmiyad u leh ummada Soomaaliya, isagoo intaa ku daran in aanu  noociisa ka jirin dalalka Afrika.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo kooxaha caaafimaadka ee ka hawlgala Isbitaalka, kuwaas oo u dhashay dalka Turkiga oo gacan ka gaysatay dib u dayactira isbitaalkan.

Isbitaalka oo ah isbtitaal qaran ayaa lagu wadaa in uu wax badan ka tari doono howlaha caafimaad ee bulshada

Hadabada hadalka Madaxwaynaha halkan ka dhageyso.