U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Kenya oo maanta hor tagaya maxkamadda ICC

Sheeko:Dalka
uhuro
Uhuru Kenyata

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa lagu wadaa maanta oo Arbaco ah in uu hor tago maxkamada dambiyada culus ee ICC oo ku taalla wadanka Holland.

Kenyata ayaa maalinkii shalay xilka madaxtinimada Kenya si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa Rutti iyadoona arrintaan ay la yaab ku noqotay kumanaan dadwayne ah oo la socday xaalada maxkamadaynta madaxwaynaha Kenya.

Madaxwaynaha Kenya ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan oo Kenya ka dhacay 2007/2008 tas oo uu ballan qaaday waqtigii uu doorashada ku jiray in uu hor tagi doono ICC si uu u dhagaysto waxyaabaha loo haysto, balse dadkii soo eedeeyay ayaa dib ula laabtay dacwadoodii inkastoo dacwad oogaha maxkamadaasi uu ku adkaystay in madaxwaynaha Kenya uu maxkamadda hor yimaado.

Caalamka ayaa maanta isha ku haya maxkadda ICC iyo xaalada madaxwaynaha Kenya oo halkaasi tagi doono saacadaha soo socda.

Saraakiisha maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dowladda Sucuudiga ka codsatay in ay xirto madaxwaynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir oo sanadkan soo xajinaya balse ilaa iyo hadda hadalka maxkamadda Sucuudigu si toos ah ugama hadlin.

Madaxwaynaha Kenya ayaa sheegay sababta uu xilka sida KMG ah u wareejiyay ay tahay in uu maxkamadda hor tago isagoo shaqsi ah oo aan cid masuul u ahayn marka laga tago qoyskiisa.