U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhigiisa Faransiiska

Sheeko:Dalka
xasan hollande
Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo France oo is gacan qaadaya

Madaxwaynaha Faransiiska François Hollande ayaa gelinkii dambe ee shalay xarunta madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada madaxwayne waxay ka wada hadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu ka mahad celiyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaalamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee madaxwayne Soomaaliyeed uu booqdo madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada madaxweyne kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada madaxtooyada Faransiiska.

—Dhamaad—