U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Soomaaliya oo xilka ka qaaday agaasimihii hay’adda nabad sugidda

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday agaasimihii hay’adda nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (San baloolshe).

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qorneyd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90-aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda,

Laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha  wuxuu xilka  Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.”

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowgii bishan ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen agaasimihii hay’adda nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) taas oo keentay muran la xiriira sharci ahaanshaha xil ka qaadista masuulka.

Agaasimihii hore ee Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (San baloolshe) ayaa xilka hayay muddo labo bil ah.