U bood dhigaalka

Madaxwayne Gaas oo xilka ka qaaday taliyihii ciidanka booliska gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilkii looga qaaday taliyaha ciidanka booliska gobalka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir isla markaana xilkaasi loo magacaabay gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Samatar (Leyli) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay gaashaanle sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir in loo magacaabay Taliye ku xigeenka ciidanka hogaanka ilaalinta canshuuraha ee ciidanka booliska Puntland.

Taliyaha ciidanka qeybta booliska gobalka nugaal ayaa loo magacaabay gaashaanle sare Axmed Cabdilaahi Samatar (Leyli) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ciidanka 54-aad ee magalada Garoowe.

Hoos ka aqri digreetada:

digreeto gaas