U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan: Caalamku wuu nagu amaanay la dagaalanka Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay shir uu kaga soo qeyb galay dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirkii 69-aad ee golaha guud ee qaramada midoobey uu ka jeediyay qudbad uu kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkan isaga oo xusay in inta badan qodobadii uu ka dalbaday beesha caalamka ay u ballan qaadeen sida deeqihii gargaarka ee uu dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Waxa uu xusay in  dowladda Federaalka Soomaaliya uu  caalamka ku amaanay guulaha ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto xarakada Al-shabaab iyo goobaha muhiimka ah ee Al-shabaab laga qabsaday.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay u soo ballan qaadeen in Dowladda Federaalka ay kala shaqeynayaan ammaanka iyo xasiloonida si loo hormariyo dowladnimada.

Hoos ka dhageyso codka Madaxwayne Xasan Sheekh: