U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo u kicitimay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ka degaan magaalada Kismaayo waxaana garoonka Kismaayo ka socda qaban qaabadii soo dhawaynta wafdiga madaxweynaha iyada oo garoonka ay gaareen masuuliyiinta maamulka Jubba oo uu horkacayo hogaamiyaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe).

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa marka garoonka lagu soo dhaweeyo kadib loo gudbin doonaa madaxtooyada Kismaayo kadibna halkaas uga sii gudbi doona xarunta caymiska oo ah madasha uu ka dhacayo shir weynuhu, wuxuuna si rasmi ah u furi doonaa wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Diyaarada sida Madaxwaynaha ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,waxaana la socda xubno ka tirsan Wasiirada.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.