U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Denmark

Sheeko:War
IMG_8431
Madaxwayne Xasan Sheekh oo gacan qaadaya wasiirka Ganacsiga Denmark, Muqdisho

Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa isla Muqdisho kula kulmay wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dowladda Denmark Mogens Jensen.

Kulankan ayaa ka dhacay gudaha xerada ciidamada Xalane oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wadooyinka gala xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ayaa la xiray iyadoo lagu arkayay ciidamo badan oo xaqiijinaya ammaanka goobta uu kulanku ka dhacay.

Ma jiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan waxa ay ka wada hadlayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark. Waa booqashadii ugu horeysay ee uu wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark ku yimaado Soomaaliya kadib burburkii dowladdii dhexe e dalka 25 sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safarkii uu kaga yimid dalka Maraykanka ayaa sheegay in waxyaabo badan uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Brack Obama.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka tirsan wafdigii u raacay Maraykanka ay ku soo hareen Washington si buu yiri ay u dhameystiraan howlo muhiim ah oo ku saabsa xiriirka labada dal.

Wixi ku soo kordha kulankan kala soco Goobjoog FM