U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo baaq u diray shacabka Muqdisho

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan iyo Muungaab./ Xuquuqda sawirka:radio Muqdisho
Madaxwayne Xasan iyo Muungaab./ Xuquuqda sawirka:radio Muqdisho

Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay maamulka iyo howl wadeennada gobolka Banaadir. Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo ergo ka socotay gobollada dalka oo lagu marti qaaday goobta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa kulankan oo lagu qabtay xarunta KMG ah ee gobolka ee degmada Hiliwaa ka jeediyay khudbad, isagoo soo dhoweeyay martida ka soo qeyb gashay xaflada.

Wuxuu madaxweynaha uga mahad celiyay kulanka uu la qaatay shaqaalaha gobolka oo uu ku tilmaamay mid dhiirri galin noqonaya si ay howshooda u sii wataan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyay kulankan, wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo iyo dadaallada socda ee dowladdu ay ku xaqiijinayso ammaanka iyo xasillooni siyaasadeed oo uu dalku gaaro 2016-ka.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay ka soo reyneyso, wuxuu shacabka degan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda isla markaana ay la yimaadaan dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah si loo soo celiyo maqaamkii ay lahayd magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in shacabka ay qaataan doorka kaga aadan amniga Muqdisho, isaga oo si gaar ah u tilmaamay in muhiim ay tahay ogaanshiyaha cid waliba oo ku nool guryaha Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa milkiilayaasha guryaha iska leh faray, hadii ay la kulmaan rag ay fahmi waayaan in Booliiska ugu dhaw gurigaasi ay ku wargeliyaan si ciidamada ammaanka baaritaan ay ugu sameeyaan ragaasi oo amniga loo xaqiijiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Goodax Barre ayaa maamulka gobolka Banaadir ku booriyay in ay sii wadaan howsha loo igmaday, isagoo soo dhoweeyay horumarada laga sameeyay xasilinta iyo bilicda magaalada Muqdisho.