U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan: Waan ka saarnay Al-shabaab dalka 70%

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey ayaa sheegay in in ka badan 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay kala wareegeen xarakada Al-shabaab.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in deegaanno dhowr ah ay ku suganyihiin iminka ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Sheekh arimaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa ammaanka Soomaaliya, maamullada gobollada, khilaafyada ka jira dhismahooda iyo khilaafka dhinaca soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Xaalada ammaan isagoo madaxweynaha ka hadlaya waxa uu sheegay in ay awood dul dhigeen kooxaha ka soo hor jeeda nabadda, dadaalna ay ugu jiraan sidii loo sugi lahaa amniga dalka.

Madaxwayne Xasan waxa uu si cad u sheegay in ay doorasho ka dhacayso dalka marka la gaaro 2016-ka oo ah xilliga qorshuhu yahay in ay dalka ka qab soonto doorasho ay shacabku wax soo doortan.

Ciidanka AMISOM ayuu ku sheegay in aysan waqti badan sii joogi doonin dalka oo ay ammaanka la wareegayaan ciidamada Soomaalida kuwaas oo uu xilligan dhismo ku socdo.

Ugu dambayn, waxa uu ka hadlay madaxwaynaha muranka xaduuda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,waxuuna sheegay in ay socdaan dadaallo arrinta lugu xalinayo.