U bood dhigaalka

Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo baaq u diray Puntland iyo Galmudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Sawir hore: Maxamed Axmed Caalin
Sawir hore: Maxamed Axmed Caalin

Madaxwaynihii hore maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku dhameeyaan khilaaf kasta oo ay kala tabanayaan labada dhinac.

Caalin ayaa sheegay in waqtigan aan la joogin xilligii colaada, taa bedelkeeda labada maamul looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wararka la xiriira khilaafadyada.

Madaxwaynihii hore ee Galmudug waxa uu carabka ku dhuftay in dalkan uu ka soo daalay dagaalo sokeeye.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in labada maamul ay sabab u noqdaan isku dhac iyo colaad isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sharci yaqaanada ay masuuliyad ka saarantahay xalinta muranka.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa wada maamula magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Axmed Caalin: