U bood dhigaalka

Madaxweeynaha Hirshabelle Oo Hortagay Baarlamanka Maamulkaas

Sheeko:Amniga

Kulan aan caadi aheyn oo uu yeeshay Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa waxaa horyimid Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabelle Mudane Cali Guudlawe Xuseen.

Kulankaan oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed Oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa Ajendahiihu ahaa ka jawaabida Codsiga madaxweynaha ee Mudo kordhinta dhismaha xukuumada .

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay muhiim u tahay in Madaxweynaha lasiiyo Waqti kufilan si ay ugu sahlanaato soo dhisida xukuumad iyo Gole Wasiiro oo tayo leh .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada kacodsaday iney u beeqaamiyaan Xiliga soo Dhisida Xukuumada si Baarlamanka uu u horkeeno Xukuumad ka jawaabeysa Baahiyaha shacabka Dowlad Goboleedka Hirshabelle kana turjumeysa Hagaajinta Dowladnimada iyo Hufnaanta Maamulka.

Ugu Dambeyn xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Codsiga Waxaana Natiijada Codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed .

Waxaa ogolaatay 54 ,wax Diiday Majiraan ,Wax ka aamusayna Majiraan.