U bood dhigaalka

Madaxweeynaha Jubbaland Oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe .

Madaxweeynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Axmed Madoobe garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Madaxweeynaha Jubbaland ayaa magaalada dhuusa mareeb kaga qeeyb galaya Shirka wada tashiga madaxda dowladda federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo ka furmaya saacadaha soo aadan magaaladaas.

Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa lagu wada in uu halkaas uga furmo Madaxweeyna Farmaajo iyo madaxda dowlad gobaleedyada , kaas oo looga arin san doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iyo tabashooyinka arimaha doorashooyinka .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan, oo ka qeeyb galeysa shirka maanta ka furmaya