U bood dhigaalka

Madaxweunaha Uganda oo Shaaciyay Tirada Askartii Ku Geeriyootay Buula-mareer

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari, kuwaas oo ka tirsan dowladda Uganda, madaxweyne Museveni ayaa arrintaan ku sheegay wareysi dheer uu bixiyay kadib weerarka.

Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga aad u canaantay taliyeyaashii watay ciidanka Uganda.

Goobjoog News